• Macaanka fanka iyo maaxdii MAGOOL

    From esmaeilsa@gmail.com@21:1/5 to Muuse Carab Obsiiye on Sat May 5 10:31:15 2018
    On Saturday, March 16, 1996 at 11:00:00 AM UTC+3, Muuse Carab Obsiiye wrote:
    Barriisimo wanaagsan dhamaantiin


    "XOORKII LAGA DHAMAY XAGAAGII HORIYO,
    XUSUUSBAA GEELLA LAGU XERGEEYAA......."

    Hobolkee amabase hoballadee ayaa ugu cod wanaagsan Soomaalida ? waxan
    filayaa inaad hore u maqashay su'aashan oo kale, nasiibdarose ma jirto
    jawaab kali ah oo ay dhamaan dadku isu raacaan. Sababtu waxay tahay
    ayaan filayaa fanka oo ah sida cuntada oo kale, dadkuna kala dhadhan duwanyahay. Bal ka waran hadaad qoraalkan akhrisato, dabeedna aad
    adigu su'aasha garsoore ka noqoto ?.

    AYAAN BI'INOO BADA ILA DHURA. Diyaar ma u tahay heesihii hore, kuwii
    dhexe iyo kuwii danbe ee Magool, waa kuwane dhexda xidho oo jilbaha
    dhig.

    Aan ku bilowno Magool oo jacayl dhabadhabeeyay, shinbirrona
    fariimaynaysa:

    Shinbiryahow ma duushaa Ma dabaylo raacdaa
    Dadka ma u adeegtaa Oo ma u dadaashaa
    Dalanbaabi baan ahay Daalaa-dhacaayee
    Kala qaad dibnaha oo Dal yaqaan ma tahayoo
    Degmadii fogaatiyo Meeshii laguu diro
    Dawgeed ma garataa!!!!!!!!!!
    (Waah-waah, NABAADKAANA MUUDSOO NAA MAXAAD TIDHI????)

    Markan waa Magool oo haasaawaha jacayl la dalandalinaysa Samatar, si
    qayaxana ugu leh: waar ninyahow, DAGAAL HORTII HUB SAMAYSO, XAAS
    HORTIINA XOOLO DHAQO. Caashaqana iska ilow!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    Samatar:Cashaduu Illaahay Caradeena joojee.....
    Cimrigeed aduunyada Waxa jiray col iyo nabad
    Caydh iyo nin xoollole Iyo laba is caashaqay
    Caawana kamay tagin Caynkaynu ku ogayn
    Adna calafka kuu qoran Cuno seegi maayee
    CAASHAQA HA BAAYICIN!!!!!!!!!! Magool:................................
    Cashadii timaadaba Dadka ruux cadibanoo
    Waayuhu ku ciiriyo Mid carruusayaa jiroo
    Caad igama saaree Cilmiyada Illaahay
    Anigoo an caasiyin Cabsi haygu galinine
    Noloshaydaa caydhiyo CILMI GUUR AAN KU FADHIYIN
    Ku caarcaari maayee CAASHAQA ISKA ILOW!!!!!!! Aaaaaaax, maansha horaba loo yidhi: AF, AF LOO WAAYAY BAA BA'AY!
    Magool miyaanad nabsi ka cabsanaynin, inan rag sidaas looma galo'e ?

    Ka rog oo hadana saar, HAGARDAAMADA GUURKA, HAWEENKAA KA MASUUL AH!
    ma runbaa ? Waa Magool oo markan jacaylku soo ritay, laqanyadiisiina
    laabta u fadhido:

    Magool:...Naftaad baaxadsooraha Bukaan uga maciintaa
    Kuu beeraqaysee Ha ka goyn barriidada
    Nimba waa mare, mus ma kula koray, imisaan Magooley ragga sidan ka daa
    ku idhi!, oo waliba waxaa ay ku sii dartay:

    Magool:Waxaa goranyo-cawshuba
    Ubadka u carbinaysaa.....
    Ana ciirsi adigaan
    Noolaha cariga jira
    kaa caleemo saartee
    Ugub caashaq keeniyo
    cawo dhalad hadaan ahay
    CAAFIMAADSAN KUU YEEL!!!! (Oof-oof, waxaasaa coda)

    Oo horta maxaa Magool badi dadku ku jeclaadeen ? Ma indhaha ay sida layaabkale uga ciyaarsiiso, ma luqunta sida goray-haldhaaga hadba ay
    gees u wareejiso, mise jiiddida luuqda ee lagu daba harraaday ? waa
    yaab, waa yaab....
    Mar ay Kuluc haasaawaha jacayl la daadihinaysay waayo-waayo, waxay is yidhaahdeen "I MAAWEELI IYO I MADADAALI":

    Kuluc: Marwoy hoy inaabti
    Heedhe Magooley,hoy inaabti
    Marwoy hoy-hooy
    Magool: Waa maxay mudanow,hoy-hooy
    Kuluc: I madadaali, daali
    I maaweeli, weeli
    Magool: Maxaa ku daaray
    Kuluc : Mooyi!!!
    Miyaad i moogtay
    Magool : Maya!!!
    Kuluc: Mid kula midaboo
    Kula mid ah
    Ma arag,
    Indho dhagana may maqal
    Ma jirto
    Ifka soomanay mariney (Sorry brothers/sisters, I
    did not mean to remind you the good old days, please don't cry!!)

    Bal ka waran haddaan wax ka maqalo Tubeec iyo Magool oo dabshidkii iyo nayruuskii caashaqa ku gudo jira:

    Tubeec: Nayruusku waa ciid
    Waa nagi aduunyadu
    Waa nuur kalgacalkuye, naruuroy
    Waa nuur kalgacalkuye, nasteexoy.....
    Magool: Nayruusku waa ciid
    Waa nagi aduunyadu
    Waa naar kalgacalkuye, nasiidow
    Nabaraa i gaadhoo
    Ma nuuxnuuxsan karayee...
    Waar bahalku noocyo badanaa, cajaa'ib!

    Waryaa hada Magool siti-faadumada iyo nabi-amaankana way ku qaadaaye
    iska jir:
    ......
    Intii raacday nabigee
    Rafiiqiisii noqotee
    An rumaysay noqonee
    Ku saliya rasuulkii (Rami salii calal xabiibi muxamed, wacalal aali
    wasacbii wasalam).

    Hore ayaan u sheegay inaanay ahayn heesaha Magool wax tiro lagu soo
    koobi karo, tayo ayaabay waliba ku darsadeen, markaa WABIYO ISU OOMAN, ADIGUBA DHARAARAAD KA QOSLAYSAY DHOOSHA, MINANKIINII HADAAN IMI
    iyo waliba kuwa kale oo farabadan aan habeen kale u dhigto(hadii Eebe
    idmo).

    Adiga garsoore halkee xaal kula marayaa, ma u garatay in Magool tahay BOQORADA CODKA ee fanka Soomaalida.

    Ka baxaye bulshoy qabo!

    M A Obsiya

    Asc,
    waa dood cajiib ah, waxa laga joogaa 20 sanno waqtiga doodani socotay oo ay noolaayeen Alle ha u naxariistee Magool iyo Sahra Axmed ba.

    --- SoupGate-Win32 v1.05
    * Origin: fsxNet Usenet Gateway (21:1/5)