• SIINLEY

    From daahircarab22@gmail.com@21:1/5 to Abdoulkader Bile Abokor on Wed Feb 3 23:08:59 2016
    On Tuesday, March 21, 1995 at 2:06:43 AM UTC-8, Abdoulkader Bile Abokor wrote:
    Silsilada caanka ahayd ee loo yaqaan SIINLEY waxa bilaabay abwaanka
    caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame (HADRAAWI). Sababtii ay silsiladu
    ku bilaabmatayna waxay ahayd sabab siyaasi ah oo lagaga soo hor jeeday taliskii Afweyne. Heesaha silsiladu waa heeso sarbeeba kuna saldhiganaaya gabadha lagu magacaabay SAXARLA. Silsiladan waxaa ka mid ahaa dadkii ka qaybqaatay, amaba ugu muhiimsanaa:
    -Maxamed Ibraahim Warsame (HADRAAWI)
    -Cabdi Aadan Qays (CABDI QAYS)
    -Maxamed Xaashi Dhamac (GAARIYEA)
    -Siciid Saalax

    Waxa ay heestii ugu horeysey ahayd; heesta caanka ah ee uu
    tiriyay Hadraawi kuna luuqeeyey abwaankii caanka ahaa ee
    Maxamed Mooge (Alla ha u naxariisto), heestan inkastoo aanan
    hayn iyadoo dhamays tiran amaba ay wax ka dhiman yihiin waxaa
    u saldhig ahaa:

    Waan soo socdaa koowdhe
    waxna waan sidaa labadhe
    samir yeelo waligaa
    Saxarlaay ha fududaan.

    Heestii labaad ee silsilada waxaa soo tiriyay oo ka soo jawaabay
    Cabdi-Qays oo joogay markaa Jabuuti. Wuxu yidhi:

    Ina wallanwaloow samir
    haweenka isa seegtee
    siddeed nabar adoo qaba
    wakaa kii sagaalaad
    seedaha ku gooyee
    maxaan kuu sameeyaa
    siinkaa ku jiidhee

    Gabadhii ku sidataan
    sabadii Jabuutiyo
    xeebaha sintoodii
    iyadoo nin sare qabo
    subax aan ku kullanoo
    sababtiina caashaqa
    markii aan su'aal idhi
    waxay suuban leedahay
    wax markii la sugi jiray
    aduunyadii ka socotee
    soorta tii hortaadiyo
    sacabkaaga taalaa
    sadka ugu wanaagsane

    Sifadeedu waxay tahay
    samir wuu dhintee koow dhe
    saadaal alma hayee laba dhe
    waxay Saafi kugu tidhi
    ha iisoo socone noqo
    waxaad soo sidana celi
    anigu waan sal fududee

    Waxay suuban leedahay
    hadba saaca joogaan
    tukadaa salaadee
    adoo sabowanaag yaal
    ruuxa Seylac kaa jira
    looma sacab garaaceee
    sifaheedu wuxu yahay
    siri way jirtaa koowdhe
    samo lama hayee labadhe
    waxay Saxarli kugu tidhi
    ha iisoo socone noqo
    waxaad soo sidana celi
    anigu waan sal fududee

    Waxay Suuban leedahay
    safar meel fog kaa tegay
    iyo lama dhawro socotee
    waa sabankii beentoo
    wacad la isa siiyiyo
    runi way sal guurtee
    sifaheedu wuxu yahay
    sabool waan nacee kowdhe
    saxal waa madhniye laba dhe
    waxay Saxarli kugu tidhi
    ha iisoo socone noqo
    waxad soo sidana celi
    anigu waan salfududee
    maxaan kuu swameeyaa
    saaxiibkay Hadraawow.


    to be continued!!!!!!!

    A.B.Abokor
    Vaasa

    --- SoupGate-Win32 v1.05
    * Origin: fsxNet Usenet Gateway (21:1/5)