• Guursashada Cabdullaahi ee Aamina Bintu Wahab

    From a0557923588@gmail.com@21:1/5 to All on Fri Feb 2 10:34:30 2018
    بتاريخ الاثنين، 18 أغسطس، 1997 10:00:00 ص UTC+3، كتب Abdulkadir Abdi:
    Bismi Al-Laahi AL-Raxmaani Al-Raxiimi


    Guursashada Cabdullaahi ee Aamina Bintu Wahab
    ____________________________________________________

    Cabdul Mudhalib wuxuu waday wiilkiisa Cabdullaahi, asagoo doonaya inuu u guuriyo, markaas ayay u yimaadeen Wahab bin Cabdu Manaaf bin Zuhrah bin Kilaab, kaasoo, markaas, qabiilkiisa Banii Zuhrah madax u ah, xag da' weyni iyo xag sharafba. Markaas ayuu u guuriyay gabadhiisa Aamina bintu
    Wahab. Cabdullaahi iyo Aamina abtirsiinyahoodu wuxuu ku kulmaa Kilaab, oo labadoodaba awoowaha shanaad u ah. Aamina waxay ahayd haweenta Qureysh ugu fadli badan xag nasab iyo xag darajaba.
    Markii ay Aamina Rasuulka Ilaahay SCW uurkiisa yeelatay, ayaa nuurkii Nabinnimadu Cabdullaahi ka wareegay oo ayada u wareegay.

    Markaas kaddib ayaa Cabdullaahi u yimid haweentii hore inuu guursado isu
    soo bandhigtay, markaas ayuu ku yiri: "Maxaa dhacay oo aadan maanta ii soo bandhigayn wixii shalay aad ii soo jeedisay oo kale?" Waxay ku tiri: "Waa
    kaa tagay, oo waa ku faaruqay, nuurkii shalay kula jiray. Marka maanta dan kaama lihi." Gabadhaas, waxaa la yiri, magaceedu wuxuu ahaa
    Ruqayyah bintu Nawfal, oo la dhalatay Waraqah bin Nawfal ibnu Asad bin
    Cabdul Cuzzaa, oo ahaa ina adeerka Khadiija bintu Khuwaylid, Mu'miniinta Hooyadood, haweentii Nabiga SCW.

    Waraqa wuxuu ahaa Sheekh Caalin ah ee Nasaara noqday, bartayna kitaabkii Injiil. Ruqayyah waxay walaalkeed Waraqah ka maqashay inuu ummaddaan u
    ahaan doono Nabi, markaas ayey markay Cabdullaahi wajigiisa Nuurkii Nabinnimada ku aragtay, ayay waxay rajaysa, oo jeclaatay, inay ayadu
    noqoto hooyada Nabigaas, oo ayan haween kale calooshooda ku qaadin. Markii hore, o ay Cabdullaahi i guurso tiri, Nuurki Nabinnimada ayay wajigiisa ku aragtay, nuurkaasoo markuu Aamina guursadaya oo ay Nabi Muxammad SCW
    uurkiisa yeelatay, asagii faaruqay oo ayada u wareegay.

    Cabdullaahi magaca uu aabihiis markuu dhashay u bixyey wuxuu ahaa
    Cabduddaar, markiise uu 100 halaad oo geel ah ku furtay, ayuu wuxuu Cabdul Mudhalib yiri: "Midkaan waa addoon Ilaahay", taasoo afka carabiga lagu yiraahdo Cabdullaahi. Sababta uu Cabdullaahi markaan dambe haweentaas
    arrinta guurka ugu soo qaaday waxay ahayd asagoo doonayay inuu ka
    caddeysto sababta u geysey inay tiro sidaas u badan oo geel ah tiraahdo
    waan ku siinahayaa haddaad i guursato, taasoo aan haweenka
    caado u ahayn. Muddo gaaban markuu guursaday kaddib, Cabdullaahi Makkah
    ayuu ka baxay, wuxuuna ganacsi ugu safray Shaam (Waa dhulka maanta la isku yiraahdo Siriya, Urdun, Falastiin Lubnaan).
    Markuu Shaam ka soo laabtay, wuxuu ku degay Madiina, asagoo jirran.
    Madiina waxaa degganaa reer abtigiis, oo ka mid ahaa qabiilka reer Banii Najaar. Wuxuu Madiina joogay hal bil, asagoo jirran,
    kaddibna waa ku dhintay.

    Markaas uu Cabdullaahi Madiina ku dhimanahayo, wiilkiisii Muxammad SCW
    labo bilood ayaa hooyadiis uurkiisa lahayd. Cabdullaahi waxaa lagu duugay xerada "Al Naabighah" la oran jiray, oo uu lahaa nin uu dhashay reer banii Cadiy bin Najaar. Xeradaas waxaa looga duugay daarta yar, oo
    bidixda kaa qabaneysa, markaad xerada gashid. Markuu dhimanayey,
    Cabdullaahi wuxuu jiray 25 sano.
    Waxaa kaloo la yiri wuxuu jiray 28. Ka yarna waa la yiri, oo da'diisu
    waxay ahayd 22 sano ayaa la yiri. Allaana u cilmi leh. Waxaase loo badan yahay in uu 25 sano jiray. Wuxuu Cabdullaahi ka dhintay, oo uu lahaa,
    addoon xabashiyad ahayd oo la oran jiray Ummu Eyman Barakah,
    shan halaad oo geel ah iyo xoogaa ari ah. Aamina iyo Cabdullaahi ma ay
    dhalin caruur aan Muxammad ahayn, Rasuulkii Ilaahay SCW.

    Cabdullaahi haween aan Aamina ahayn ma guursan, Aaminana nin aan
    Cabdullaahi ahayn ma ayan guursan.
    -- ******************************************************************************
    "How can ye reject the faith in Allah ? seeing that ye were without life, and and he gave you life; Then will He cause you to die, and will again bring you
    to life and, again to Him will ye return." - Qur`an 2:28 -

    --- SoupGate-Win32 v1.05
    * Origin: fsxNet Usenet Gateway (21:1/5)