• Yaa iga caawin kara??

    From hilaal40@gmail.com@21:1/5 to Alfred on Mon Jun 12 22:06:24 2017
    Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu!

    Walaale Dadku hiwaayado bay kala leeyihiin, Aniga ayay hiwaayadayda tahay su'aashaas aad Dadwaynaha waydiisay !

    B-Bilaha Dayaxa Islaamku way isku raacsan yihiin, Waana:-
    1. Muxaram 2.Safar 3.Rabiiculawal 4.Rabiiculaakhir 5.Jumaadulawal 6.Jumaadulaakhir 7.Rajab 8.Shacbaan 9.Ramadaan 10.Shawaal 11.Dulqacdah 12.Dulxijah.

    T-Diriro waxaa laga xisaabshaa { Xigga Dirirka iyo Dayaxa sida ay u wada Fariistaan } iyagoo ka fiirinaya su'aasha:- Bishu intee ahayd markay dayaxa la fariisatay ? Hadduu la fariisto bishoo ah 16 ama 15 waa Fushade.
    Gu'soore waxay wada fariistaan Bishoo ah 14 ama 13.
    Samoolad waa 12 ama 11.
    Dirirsagaaro 10 ama 9.
    Lahjadaha Afsoomaaligu wuu kala duwan yahay, Sanadku markuu ahaa 1972 Wasaaradda tacliinta iyo Hiddaha sare waxay qodhay 12 Magac oo ay gobol kasta wax ka soo qaadatay. 12kaas magac ayaa ardada soomaaliya oo dhan la bari jiray. saa darteed anigu halkaas
    baan fadhiyaa oo aan qaatay. b-Kalahaan t-Dambarsame j-Baldaaq x-Diraacgood kh-Lixkor d-Toddob r-Fushade s-Gu'soore sh-Samoolad dh-Dirirsagaaro c-Laxadhaqo g-Samalaho.

    Daawo:- youtube:- somali calendar(habaynta xilli-soomaaliga) {1}.......{7)

    hilaal40@gmail.com

    On Monday, May 24, 1999 at 10:00:00 AM UTC+3, Alfred wrote:
    Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu!
    waxaan walaalaha soomaaliyeey ee meeshan u soo booqasho taga ka doonayaa
    iney iga caawinaayaan su'aashan hoos ku taal:
    waxaan rabaa magacyada bilaha soomaalida iyo sida ay iskugu xigaan ?
    tusaale ahaan sida kuwa miilaadiyada, Jan.............Dec.
    kuwa hijrada, muharam.................dulhaja

    --- SoupGate-Win32 v1.05
    * Origin: fsxNet Usenet Gateway (21:1/5)
  • From hilaal40@gmail.com@21:1/5 to Alfred on Mon Jun 12 21:26:55 2017