• Kuma Naco Gobaadeey (Ina Mooge)

    From sakariagureyy@gmail.com@21:1/5 to Jama I. Barreh on Thu Jul 28 15:42:44 2016
    On Sunday, January 21, 1996 at 11:00:00 AM UTC+3, Jama I. Barreh wrote:
    I am not sure if this Mohamed or Ahmed Mooge. I always mix them up.
    Anyway here is the song.

    Kuma gabo dantaydaay,
    Kuma galo waxyeelooy,
    Kuma gooyo wacadooy.
    Kuma taliyo godobtee,
    kuma geeyo colaadee.
    Gefow kuma ilaaboo,
    Wellee anigu goornaba,
    Kuma naco gobaadeey.

    Kuma gabo abaaloow
    Kuma gaabsho deeqeey,
    Kuma oodo gacaneey.
    Kollan anigu geestiyo,
    Ama gudo ha joogtee,
    Garreey kaama eexdoo,
    Kolley anigu goornaba,
    Kuma naco gobaadeey.

    Golihii Hargeysiyo,
    Guryasamo adoo yaal,
    Ama gala Daruuraha,
    Galabta uu gugii helay,
    Adoo guud ka daawadey,
    Waa wax lagu guryeeystaa,
    Kolley anigu goornaba,
    Kuma naco gobaadeey.

    ------------------------------------------------------------------- http://rampages.onramp.net/~jama/
    mailto:jama.barreh@cyrix.com
    mailto:jama@onramp.com

    Waa Maxamed Mooge Liibaan - KUMA NACO GOBAADEEY

    --- SoupGate-Win32 v1.05
    * Origin: fsxNet Usenet Gateway (21:1/5)