• GABAY ( Faarax Nuur )

    From abdalahdahiir@gmail.com@21:1/5 to All on Tue Jul 23 23:20:00 2019
    Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekamiye
    Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
    Anse ila ah aakhiro Sabaan iligyadiisiiye

    Orgigaag riyaha taadaxoo oodda faaliga e
    Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
    Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

    Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine
    Waa duni ninkaad aamintaa kuu abeeys yahaye
    Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

    Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye
    Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye
    Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

    Afka iyo adduunkaa hadloo oodna sadarkiiye
    Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye
    Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

    Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo
    Odayaashan loo yeedhay ee la anfac siinaayo
    Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine
    Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan ubadkisa
    oydaan Ilaahay ka go'in hayna oodin.

    Faarax Nuur

    --- SoupGate-Win32 v1.05
    * Origin: fsxNet Usenet Gateway (21:1/5)
  • From ayan.diriy@gmail.com@21:1/5 to All on Tue Feb 18 14:10:33 2020
    Dagaaladii Ehligaa ahaa ee ka dhaxayn jiray Ciidagale iyo Arab ayaa waxay horseedeen inay waxgarad labadaa qabiil ka kala socda isku dhabar-jabiyaan siday maslaxo iyo nabadayn uga shaqayn lahaayeen. Dadaaladaa mid ka mid ah ayaa waxaa lagu kala
    sixiixday heshiis. Faarax Nuur oo gabayaa caan ah ahaa af-hayeenna u ahaa Arab ayaa heshiiskaa saluugay oo u qaatay in Arab meesha lagu khaldayo ee aan wanaag laga shaqaynaynin. Wuxuu haddaba tiriyey gabaygan. Wuxuu yidhi:

    Nimuu qaamudkiisii galayoo, qalinka loo duugay

    Jeeruu qarfooluhu nin weyn, qadada weydaarsho

    Waa qaafil jeer ay indhuhu, qac u yidhaahdaane



    Qabkii weli ma dhigin Ciise Dhamal, laysku qoonsadaye

    Waa waxay qarqoor leeyihiin, waxaan qoyaamayne

    Haddaan nabadda loo wada qastiyin, wayska qiil jabane

    Waataa ragii qoomanaa, qaar xabaal yahaye

    Goor maad run uga qaadateen, qaan yaraa dirirku?

    Qabbi hadalka lagu laankalaan, qaar ka saamixiye

    Waa lagu qiyaamaynayaa, Arabka qaarow 'e



    Bal qilaafka daya geeddigaa, idin qaddaacaaya

    Qayrada xagee lagu wadaa, qadow ka meeraysa

    Qaandhaawahoodii maxaa, qoriga loo siistay

    Qaalmaha rasaatii maxaa, loogu wada quudhay



    Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo

    Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo

    Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad

    Qulaab iyo kulaab iyo lucaab, laysu qarinaayo



    Qiyaamada kobtaa daahir ah, aan qun ugu soo jeedo

    Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane

    Ma anaa miniyo lay qarshaa, laygu qali doono



    Qaafada Ismaaciil Jibriil, qoonka Sacad Muuse

    Awalkaannu qaadhaanka guud, qeyb wadaag noqone

    Qaaliga Albaasaan ka dhigi, qaadhka naylaha'e



    Qajajuu ha dilo geelayaga, qululka dayreede

    Qooriga Afmeer iyo Siigodan, qodax ladii Tuurta

    Qar waraabe iyo goob intay, karintu qoynaysay



    Qool Caday iyo Laan Dheer halkay, qun uga soofaysay

    Ka qammaadnay goolkiyo wankii, qarada weynaaye

    Qolqolkaan isaga muuqaniyo, qayd la wada ooto



    Qadhiidhka iyo daankaanu nahay, qaranka Guuleede

    Inaan haatan kala qaadanaa, Qaadir soo rogaye

    Qatadeenii kala laasanay iyo, qulufkii shaydaane

    Waaryaadha kala quusanaye, qoomamo la'aad

    --- SoupGate-Win32 v1.05
    * Origin: fsxNet Usenet Gateway (21:1/5)