• Fannaanka iyo Siyaasiga: Midkee baa muhiimad badan ?

    From f926343@gmail.com@21:1/5 to atto on Thu May 16 21:50:52 2019
    On Tuesday, June 10, 2008 at 1:50:44 PM UTC+3, atto wrote:
    Fannaanka iyo Siyaasiga: Midkee baa muhiimad badan ?

    By Dayib Atto


    Habeen habbeenada ka mid ah dabayaaqadii sannadkii 2004 ayaan ka qayb
    galay xaflad lagu qabtay magaalada Minneapolis oo lagu xusayey
    dhisiddii dawladda ku meel gaarka ah ee Somaliya.

    Xafladdaas waxaa ka soo qayb galay dad badan oo ay ka muuqatey qiiro, firfircooni iyo xamaasad badan.
    Hadallo badan ayaa laga soo jeediyey meesha oo qudbo ah, sacab,
    durbaan, mushxarad iyo alalaasna waa loogu hagar baxay, jawiga
    xafladda waxaa ku dahaarnaa rajo iyo hilow markaa la is oran karey
    waxay dadku u qabeen dawladnimadii luntay iyo qarannimadii burburtay
    ee dalka Soomaaliyeed.

    Waxaa kaloo sida caadada ah xafladda qayb ka ahaa fannaaniin waaweyn
    oo magac leh oo ay ka mid ahaayeen (intii aan markaa garan karey)
    fannaanka weyn ee Axmed Cali Cigaal, abwanka weyn ee Sangub iyo
    fannaanadda weyn ee marwo Saado Cali.


    Markii aan fannaaniinta aan kor ku xusay mesha ku arkay baan farxay oo
    waxaan markaa is iri heeso waddani ah oo qoto dheer ayaad caawa ka
    dhergi doontaa, sida heestii 'Soomaliyey Toosa' oo kale iyo kuwo
    qabyaaladda inaan iska diidno nagu dhiirri gelin doona, iyo kuwo
    dagaalada sokeeye iyo dhibkooda wax nooga sheegi doona.

    Saacaddii heesaha markii la gaaray ayey fanaaniintii bilaabeen inay
    qaadaan hees cusub oo aanan hore u maqal laakiin erayadii aan markaa
    ka gartay ay u ekaayeen erayo u eg " Cabdulaahiyoow na daadihi.., Cabdullaahiyoow na daadihi !"

    Runtii waan la yaabay waxa dhegahaygu maqleen oo waan u qaadan wayey,
    waxaan is lahaa heesaha nuucaas oo kale ah waa wax hadda laga
    weynaaday oo lagu qoslo, marna ismaanan lahayn qof Soomali ah ayaa
    meel isla soo taagi doona inuu qaado hees uu ku amaanayo nin siyaasi
    ah, gaar ahaan marka gadaal loo eego dhibka laga soo maray Maxamed
    Siyaad iyo kuwii ka dambeeyeyba.


    Waxaa maskaxdeyda ku soo dhacday heestii "Guulwadoow Siyaad", iyo sida
    gabar uu dhalay Maxamed Siyaad oo aan isku dugsi ahaan jirney ay subax
    walba marka la qaadayo heestaa aabeheed lagu ammaano, ay qajilaad
    awgeed dhulka hoos u fiirin jirtey.

    Yaabkaygii baa markaa isu beddeshay xanaaq iyo caro, oo waxaan is iri
    furka ma tuurataa caawa oo fannaaniinta halka ay taagan yihiin intaad
    ugu tagto ma ku cambaareysaa fadeexada ay magaca fanka Soomaliyeed
    caawa meesha ugu geysteen?

    Hareerahayga ayaan fiiriyey.

    Waxaan arkay dad waayeel u badan oo isugu jira aabeyaal, hooyooyin, awooweyaal iyo ayeeyooyin oo wada qiireesan oo heestii wada qaadaya "..Cadullahiyoow...!!"

    Markaan u sii fiirsaday waxaan gartay inkastoo aan lagu dhawaaqin
    markii hore, sababta qura ee loo soo abaabulay xafladdaan ballaaran ay
    ahayd in loo dabbaal dego xulidda mudane Cabdullahi Yuusuf loo xulay
    inuu noqdo madaxweynaha ku meel-gaarka ah ee dawladda cusub ee ku meel- gaarka ah ee Soomaliya, waloow xamaasadda meesha ka muuqatey ay markaa
    u ekeyd sidii uu ku helay guul weyn (landslide victory) doorasho
    ballaaran oo dalka oo dhan ka dhacday.

    Waxba kuma jabna in la ammaano qofkii la jeclaado, laakiin waxaan is
    lahaa fannaaniinta waaweyn waqtigoodu hadda wuu ka qaallisan yahay
    heeso raqiis ah oo lagu ammaano qof siyaasi ah, gaar ahaan siyaasi aan shaqadii loo soo xulay aan weli bilalabin, oo aan ilaa iyo markaa laga
    war heyn innaba ha ahaatee wuxuu u geli doono ama u gudi doono dadka
    iyo dalkaba.

    Aniga sida ay ila tahay Saado Cali, Axmed Cali Cigaal iyo Sangub way
    ka qiimo badan yihiin Cabdullaahi Yuusuf ama siyaasi kasta oo kale oo
    Soomali ah, waxaana aan filayey inay arrintaa ogaayeen mar haddii ay
    wada joogeen dalka Mareykanka oo ay ugu yaraan ka war qabeen xiriirka
    ka dhexeyn kara fannaanka Maraykanka ah iyo siyaasiga Mareykanka ah, xiriirkaas oo hadiiba uu soo if baxo aan inta badan sii dhaafsaneyn
    lacag uu fannaanku ugu deeqo siyaasiyasiga xilliyada doorashooyinka.

    Darajada fannaanka ayaa ka sarreeysa ta siyaasiga, waayo fanaanku
    darajadiisa wuxuu ku helay haybad uu Alle ku manneystay iyo dadaal iyo
    karti uu ku muteystay in magaciisa iyo fankiisa lagu aqoonsado, halka siyaasiyiinteenu ay inta badan cuskadaan qabyaalad, xoog iyo lalaab
    kale si ay u gaaraan hammigooda, hammigaas oo hadda sida aan wada
    ogaanney aan sii dhaafsanayn indho sarcaadka ka horreeya bililiqada
    iyo xatooyada xoolo dadweyne.

    Siyaasigu waa ku meel gaar, maanta ayuu yimi berrina wuu tegi, laakiin fannaanka wanaagsani weligii wuu waari oo xitaa geeridiisa ka dib
    fankiisa ayaa la qiimen.

    Fannaaniinta Soomaliyeed waxaan ka fileynaa inay bulshada u noqdaan
    indho u tilmaama oo farta ku fiiqa manja xaabinta iyo marin habaabinta siyasiyiintu u maleegi karaan dadka iyo dalka, waana inaanay bulshada
    ku halleyn qalinka 'aqoonyahanka buurta fuushan', ee ay iyagu,
    fannaaniintu, isu arkaan inay yihiin aqoon yahaniinta kama dambeeynta
    ah marka laga hadlayo xogta runta ah iyo wacyiga dhabta ah ee ay
    bulshadu mar walba ku sugan tahay.

    Marka loo fiiriyo dhaqankeenna buug akhrintu ay ku yartahay oo hadalka
    u badan, toban buug oo waaweyn oo aqoon yahanku ka qoraan arrimaha
    Somaalida, waxaa ka war dheeraada hal hees oo keliya oo ay fannaanaddu
    ka qaaddo arrimaha Soomalida, si fududna dhaqso ugu baaha bulshada darafyadeeda kala fog, loogana xusuusan og yahay.

    Doorka fannaanku muxuu yahay?

    Arrimaha aan kor ku xusay waxaan qalinka hoos uga jiidi anoo tusaale u
    soo qaadanaya fannaanadda Saado Cali.
    Sida la xusuusan yahay Saado waxay qaadday sannadyadii sideetannadii
    heesta ku caan baxday magaca 'Land Kuruuser' (Land Cruiser), sida la
    wada ogyahay dulucda heestaasi waxay ahayd ka gilgilasho iyo
    dhaleeceen ku lid ah dhaqan fool xun oo markaa dalka ka socday.

    Saado waxay heestaa qaaday markii la arkay madaxdii dalka oo deeqdii
    cunno ay dalal shisheeye ay qaaxootigii joogey Somaliya iyo dadka
    intiisa kaleba ugu soo gargaareen inta si bareera ah u xadaan ku wada iibsaday baabuurta xarragada ee Land Kuruuserka, iyada oo dalka
    intiisa kale ay markaa ka jirtey marxalad dhaqaale oo aad u adag.
    Saado muddo dheer ayey fanka ku jirtaa, aniguse heestaa ayaan ku
    bartay welina ku xasuustaa.
    Taasina waxay tusaale u noqonaysaa bilicda marka fannaanku ka soo hor
    jeesto maamul xumada iyo musuq-maasuqa dawladda.

    Haddiiba ay noqoto in fannaanku ka heeso wax u dhow siyaasad, heestaa
    Saado oo kale ah ayaan ka sugeynaa, waayo cashar aan ka helno durbaan
    uu qof fannaan ahi u tumo nin siyaasi ah waxaa inooga filan bohoshii
    uu Caydiid ka tuuray fannaanadeenii weyneyd ee Magool (AUN).

    Bohoshaas waa in fannaanku aad uga fogaado oo uu ogaado in fannanku
    ama fannaanaddu aysan qabiil lahayn, waayo fanku qabiil iyo garabsi ma
    laha oo qof waliba waa kartida uu masraxa la yimaaddo, ilaa iyo
    haddana lama sheegin qof ay qabiilkiisu ka dhigeen fannaan, haddi hore
    la isugu dayeyna u maleyn maayo in lagu guuleystay oo taasi meel fog
    gaartey.

    Amiir Caamir ayaa hadda ah qof sida runta ah u fahmey doorka uu fanku
    ka ciyaari karo arrimaha bulshada, isaga ayaana maanta ah calan sidaha
    fanka Soomaliyeed, kartoonada uu sawiro waxay si kooban oo qosol-
    gariir leh inoo hor keenaan marxaladda guud ee ummadda Soomaliyeed
    meel kastoo ay joogto ku sugan tahay maanta.

    Waxaan mahad u dirayaa abwan M.I.Hadraawi iyo sida gabaygiisii
    Dhulgariir uu noogu baraarujiyey inaan ka tagno oo iska tuurno
    dhaqanka foosha xun ee Soomalida ku kala takoora qabyaalad iyo isir
    raac nacasnimo ah, waxaan kaloo mahad u dirayaa fannaaniinta
    Soomaaliyeed ee go'aansaday inay ka fogaadaan taageeridda
    siyaasiyiinta ku loolamaya burburinta qaranka.

    Waxaa kaloo xusid mudan hawsha wanaagsan Maryan Mursal iyo K'naan ay
    ka wadaan bandhigyada caalamiga ee fanka, iyaga oo mar walba dunida u
    soo ban dhiga dhaqanka Soomalida, dareensiiyana dunida inteeda kale
    xaaladda adag ee ay Soomaalidu maanta ku sugan tahay.

    Nuuruddin Faarax (Nobel-ka Afrika ee soo socda) - waan ka xumahay
    inaan ka ilaaway magaciisa qoraalladii maqaalkaan ee aan u diray
    meelaha qarkood anoo ku sii jeedey fanka lagu tebiyo afka, sida
    heesaha, gabayga iwm, siday ahaataba mudane Nuuruddiin Faarax ilaa iyo maalintii ugu horreysey ee uu qalinka weyn u qaatay maamulkii Maxamed
    Siyaad ilaa iyo maantadan aynu joogno magaca iyo qaddiyadda Soomalida faafinteeda ayuu wax weyn ka qabtay, dunidoo idilna loogaga abaal
    gudey, aniguna aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa

    --- SoupGate-Win32 v1.05
    * Origin: fsxNet Usenet Gateway (21:1/5)